SOOYAALKA HALGANKII SYL -QORE AXMED SENDA-
SYL 1943
“Xornimo
iyo Midnimo”
Sawiro taariikhi ah ee dhalinyaraddii SYL
HORDHAC
Bilogii gu’gii 1943-dii, waxa bilaabantay
sheeko sooyaalka Soomalida ku xardhan, ku hubaysan wadaniyad iyo siyaasad la
jaan-qaaddi kartay wacyiga taagnaa baryahaas.
Waxaa koonfurta dhulka ay Soomalidu
deegaan ahaan dagto kasoo baxay neecaw udgoon kuna baahday gayiga soomaliyeed,
neecaw xambaarsan hal-adayg, dhiiranaan iyo tallao saaridd Eebbe (kor ahaaye).
Waa sheeko bilaabantay xili dhulwaynaha soomaliyeed
ku heegantahay heeryo guumaysi, waa taxane sheeko socotay 17-Sanno, 204-Bilood,
6120-Maalmood.
Waxaa dhextaal u
ahaa astaamo baddan oo ay wadaniyaddu kow ka ahayd, dhiiranaanta iyo
geesinimaduna ay ku lifaaqnayd, wada-tashiga iyo isu calool furnaantu ay u
ahayd mabaadi’dooda waawayn.
Dhamaadka Sheekada waxa ay ku dhamaatay
guul iyo yoolkii ay dhigteen bilowgii geediga oo guul-wayn laga gaaray, isu
keened Soomaali uu gumaysigu kala ooday iyo hilow loo qabo helidda dhulwaynihii
Soomaliyeed oo xor iyo midow ah “Soomaali
wayn”.
15, Maajo, 1943-dii
Waa maalin milgaha sooyaalka Soomaalidu ku faanto fool-horaad u ah, waa
maalintii dhidibadda loo taagay halgankii dhalinyaradda Soomaaliyeed ee
magacoodu caanka ku ahaa “Leegadii” ama
“SYL”, ayna hormuudka u ahaayeen
13kii dhalinyaro ee baalka tariikhda ka galay
halkankii guumaysi diidka Soomaliyeed, hal-kudhidiisuna ahaa Xoriyad iyo
Midnimo (dhulka Soomaali degaan ahaan
dagto oo gumaysi ka xorooba iyo midow ay soomali ku midowdo hal maamul iyo hal
calan), dhamaadkiisuna ahaa 1-dii, Luuliyo, 1960-kii midowgii labadii gobal
ee Soomaaliyeed koonfur iyo waqooyi.
FIKIRKII YAGLEELIDDA XISBIGA
Markii aan bilowno
sheekada, bilowgi gu’gii 1943-dii waxaa magaaladda Muqdisho galab galbaha ka
mid ah ku kulmay Yaasiin Xaaji Cusmaan Sharmaake iyo Cabdilqaadir Sheekh
Sekhawudiin, oo ahaa labo dhalinyaro oo wadeeyo (saaxiibo) dhaw isu ahaa kana
buuxday qalbiyadooda wadaniyad iyo jacayl ay u qabaan in uu dalkoodu iyo dadkooduba
gumaysiga ka xoroobaan, waxa ay iska waraysteen xaalka aduunka hadda meesha uu
marayo iyo wacyiga taagan ( xiligaas
aduunku waxa uu ku jiray Dagaal waynihii 2-aad oo dunida daafaheeda
oo dhan ka holcaya), waxay isu waramaanba, oo ay ka sheekaystaan in aduunku
dagaalkiisu fiday, wadamo bariga dhexe iyo kan fogba iyo qaybo ka mid ah
dhulwaynaha Afrika, ay kacdoon guumaysi-diid galeen oo ay asaaseen jamhado la
dirira guumaysiga dalkooda ku soo duulay muddona khayraadkooda guranayay,
dadkoodana Adoomo ka dhigtay, dalalkaas waxaa ka mid ahaa dalka Hindiya iyo dalka
Indunesiya.
Haday isu
waramaanba oo sheekadu ay la fogaatay wax badana ay iska warsaysteen, waxa ay
fikir ahaan u soo jeediyeen in dalkooduna kocdoon nocaas oo kale ah ay ka hir
galiyaan, Cabdilqaadir Sheekh Sakhawudiin ayaa hadalka qaadatay oo fikir ahaan
u soo jiidiyay “ Yaasiin, ka waran
hadaynu dhidibadda u taagno urur Islaami ah oo xaqiijinayo yoolka iyo
yididiilada ay ummadda Soomaaliyeed ubaahanyihiin in ay guumaysiga kaga
xoroobaan ”, Yaasiin Xaaji Cusmaan Sharmaake, ayaa hadalka ka dhex galay
saaxiibkii Cabdilqaadir oo waxa uu ku taliyay “ Kawar Cabdiqaadirow hadaynu
aasaasno xisbi siyaasi ah oo ay Soomaali leedahay, dalbanayana macluumaadka
dalka iyo Madax banaani in la siiyo dadka Soomaliyeedna guud ahaana matala”,
fikirkii Yasiin ayaa Cabdilqaadir la dhacay oo waxa ay isku raaceen in ay
yagleelaan xisbi ku hadla afka Soomaali-wayn, waxayna ku balameen in laysku soo
ururiyo intii dhalinyaro la heli karo oo firfircoon fikirkana xambaari kara,
midba dhankiisa ayuu u kacay wxayna isku keeneen 11-dhalinyaro oo ay 2-badoodu
ku jiraan, waxayna ku balameen in ay kulmaan maalinta ay bishu tahay 14, Maajo,
1943-dii kuna beegnayd maalin Jimce-ah.
Dooddheer kadib
waxa ay ka soo saareen kulankoodi iskuna raceen qodobaddatan:-
1.
In
loo gudbiyo dowladda Ingiriiska codsi (dowladda
Ingiriiska ayaa markaa dhulka Soomaliyeed gabi ahaanba ka talin jirtay, Talyaaniga
iyo xulu fadiisina waa la jabiyay dagaal waynihii 2-aad ee dunida), lana waydiisto
ogolaansho ah in loo furo Madal ay dhalinyaradu ku kulmaan waxana ay isku
baraan.
2.
In
la kireeyo guri ku haboon howlaha xisbiga laguna soo dumo quluubta
dhalinyaradda Soomaliyeed.
3.
In
la dajiyo barnaamij jadwalaysan ku meelgaarna u ah howlaha xisbiga.
4.
Iyo
in xisbiga loo bixiyo magac si loogu aqoon sado sumad ahaan, waxayna isku
raaceen gorfayn badan kadib magaca Somali Youth Club “SYC” oo micnaheedu Soomaali
ahaan yahay “Naadiga Dhalinyaradda
Soomaliyeed”.
Waxayna kulankaas
ku doorteen hogaamiyaasha xisbiga
·
Cabdilqaadir
Sheekh Sakhawudiin- Gudoomiye
·
Xaaji Maxamed
Xuseen- G. ku xigeen
·
Yaasiin Xaaji
Cusmaan- Xog-hayaha guud.
Hadaba maalintii
danbe ayay dhalinyaraddu isu raaceen xaruntii xaakimkii ufadhiayay Ingiriiska
magaalada Muqdisho, si ay uga dalbadaan arinkii ay ku soo heshiiyeen
kulankoodii hore.
Markii ay soo gaareen
xaruntii taliska Ingiriiska waxa ay la kulmeen Xaakimkii Ingiriiska, waxayna
ugudbiyeen warqadi uu codsigoodu ku qornaa.
Markii uu akhriyay
warqadii uu codsiga Dhalinyaraddu ku qornaa, Xaakimkii waxa uu ugu jawaabay dhalinyaradii
(Waxaad ka koobantihiin dhalinyaro
qabiilo kala duwan leh, waxaana hubaal ah in aydan kuwada heshiin Karin
hal-fekar iyo ra’yi toona).
Hadaba dhalinyaradii
iyaga oo aan hadal kulul u celin madaxa mustacmarka ayay ugu jawaabeen (Hadaan qabiil isku layno naga xir, adiga
ayaana arkaya dhawaan in aan isu tanaasulno oo hal niyad wax kuwada qabsano).
Hadalkaa markii ay
ugu jawabeen, markaas ayaa ogo laansho loo siiyay in ay furtaan naadigooda
lakiin waxa loosheegay in aan loo ogalayn arimo la xiriira siyaasad, haday
arinkaas ku kacaana in laga xiridoono xisbiga).
KIRAYNTII GURIGA XISBIGA
Dhalinyaradii markii
loo ogolaaday in ay furtaan naadi ay kuwada sheekaystaan kuna shaaheeyaan, waxa
ay u dhaqaaqeen in ay howshoodii labaad ku xijiyaan oo guri kiraystaan, waxa ay
gurigoodi ugu horeeyay oo hal qol ahaa ka kiraysteen aaga-gaarka“Isku raran”, hase yeeshe waa uu ku filnaan
waayay howlahooda, waxa ay guri saddex qol ah ka ijaarteen nin Hindi ah,
wajahaada “Via Roma”, qolna waxa ay ka dhigteen xafiis, qolna jiko (kushiin) ay shaaha ku kariyaan, qolkii
kalana kuraas bay dhigeen oo waxa ay ka dhigen meel lagu qax-weyo, muddo
kadibna guri kan ka siiwayn bay waxa ay ka kiraysteen isla xaafada Xamar-wayne,
si ay dadka wax ugu baraan fikirkoodana ugu gudbiyaan, waxa ay dadka bari
jiraan akhriska iyo dhigaalka af Soomaaliga oo xiligaas ay u adeegsan jireen qoraalki
Cusmaaniyadda oo uu Cusmaan Keenadiin hindisay, iyo qoridda iyo akhrinta luuqadda
Ingiriiska oo ahayd xiligaa mid koonfurta Soomaaliya ku cusbayd oo ay dadkuna
danayn jireen.
Muddo markii ay
howlahooda wadeen dadkii ayaa jeclaaday kuna soo hirtay oo ukala soo dagdagay,
sidaas ayayna meela baddan oo dalka ah xarumo uga furteen, si ay dadka wax ugu
baraan fikirkoodana ugu gudbiyaan.
DHAMAADKII DAGAAL WAYNIHII 2-aad EE ADUUNKA
Dabayaaqadi 1945-tii
waxa soo gabagaboobay dagaal-waynihii 2-aad ee dunida ka qarxay dhamaadki 1939-kii.
Hadaba dhamaadka
dagaalkaas waxa ay isku raaceen dalalkii guusha gaaray in la yagleelo Jamciyada
quruumaha ka dhaxaysa ee ‘Qaramadda
Midoobay’, muhiimadeeduna ahayd in la nabadeeyo aduunka lana xakameeyo in
dagaalkale uu dunida ka qarxo.
Dhawr bilood ka
dib dhamaadkii dagaalka, waxaa bishii September, 1946-dii ay Qaramada Midowday
shirwayne ka keentay deeganaddii ay maamuli jireen wadamadi dagaalka ku jabay
oo Talyaanigu ka midyahay si looga xaajoodo wadamadii ay guumaysan jireen.
MAGAC BADALIDII XISBIGA
Dhalinyaradii SYC (Somali Youth Clup) waa ay la socdeen,
in xaalkooda loo gole fariisanayo diyaar garow adag ayay muujiyeen waxa ayna ku
baaqeen in shirwayne Soomaali oo dhan ay ka soo qayb galaan in la qabto si hal
cod oo midaysan Soomaali looga helo.
Dhalinyradii SYC,
waxa ay diyaar garow u muujiyeen sidii loo qaban lahaa shirwaynaha Soomaaliyeed,
waxa ay ku marti qaadeen shirka dhamaan cuqaashi iyo nabadoonadii beelaha Soomaaliyeed,
waxayna dhamaan isugu keenen magaalada Muqdisho.
Maajo, 1947-dii ayay shirwaynihii qabteen
kuna qabteen hoolka “Shaneemo Banaadir”,
waxayna shirkaas ka soo sareen cod midaysan oo ah:-
- In ay cod wada jir ah ku muu jiyaan in ay diyaar u yihiin xornimo iyo midnimo.
- In codsi loo gudbiyo Qaramada Midoobay.
- Iyo in xisbiga magaca laga badalo oo loo bixiyay SYL (Soomali Youth League).
Dhalinyaradii waxa
ay warqad u direen Qaramada Midoobay oo ay ku qoreen cod ay ummadda Soomaaliyeed
ku midaysantahay.
DHACDADII HANOOLAATO (11 JANAAYO 1948)
September 1947-dii
ayay Qaramada Midowday kulan looga hadlaayo codsiga xisbiga SYL Soomaaliya ka
soo dirsaday, waxayna ku go’aamiyeen in Soomaaliya loo diro wafdi soo
idha-indheeya xaalka iyo wacyiga bal ka jira Soomaaliya si xal looga keeno.
Wafdigu waxa uu ka
koobnaa 4-qaybood oo wadamada Mareekanka, Ingiriiska, Faransiisk iyo Midowga
Soofiyeeti, ay soo dirsadeen.
Soo bixi taanka wafdiga
waxa ogaaday Talyaaniga oo ku so amray Jaaliyadiisi Soomaaliya joogtay in ay
Mudaharaad sameeyaan si loo arko xooga ay Soomaaliya ku leeyihiin iyo sida ay
ugu qanacsanyihiin dadka Soomaaliyeed maamulitaanka Talyaaniga.
Wafdigii marka uu
soo gaaray soomaliya waxa ay kormeeren meelaha ay dadku isugu yimaadan, waxayna
ku arkeen meelksta calankii Talyaaniga iyo dad Talyaani ah oo ku dabaal dagaya
kuna tumanaya heesihi dhaqanka ee Talyaaniga, dadka soomaaliyeed ee dabi-dhilifka
u ahaa iyo dad masaakiin ah oo aan waxba kala ogayn oo ay soo duufsadeena ay la
jiibinayaan, waxa mid kasta oo wafdiga ka mid ahi u gudbiyay Qaramada Midoobay
in dadakani ay taageersanyihiin in uu Talyaani maamula ilaa inta ay ka
gaarayaan in la siiyo xornimo.
Dhalinyradii SYL,
kama aysan gaabsan arinkaas lakiin waxa ay codsi u dirsadeen maamulka
Ingiriiska in iyagana loo ogalaado in ay mudaharaad sameeyaan si loo ogaadda
rabitaankooda, maamulka Ingiriisku waa uu ka ogalaaday arinkaas dhalinyaradda,
waxa uuna balamiyay maalinta ay Bisha Janaayo, 11-keedii ku beegantahay, SYL
diyaar garow balaaran bay sameeyeen una diyaar garoobeen malinta loo balan
qaaday si ay u muujiyaan codkooda, maalintii markii la gaaray SYL iyo dhamaan Soomaalidiina
ay diyaar garowday, baa iyaga waxaa dhankooda isu diyaariyay isla maalintaas
Jaaliyadii Talyaaniga si ay khalkhal u galiyaan mudaharaadka Soomaalida, maamulkii
Ingiriisku waa uu usheegay in manta ay tahay maalinta SYL idinkuna aad soo
qadateen maalmihiini ee kama qayb galaysaan, waa ay ka diideen sidaas ayaa
Talyaanigana loogu soo fasaxay.
Hadaba waxa iska
hor yimid Soomaalidii iyo jaaliyadii Talyaaniga madaxa ayayna isla galeen oo
dagaal gacan iyo qofkasta waxa uu heli karay ayaa lays kala hor yimi khasaaro
ba’an baa ka dhacay, Jaaliyadda Talyaaniga waxaa uga dhintay 51-qof, halka Soomaalidana
ay uga shahiideen 14-qof oo ay halgamaa Xaawo Taako ka mid ahayd. Sidaas ayay
dhacdadaasi kula magac baxday “Hanoolaato”.
DHACDADII
DHAGAXTUUR (5-OKTOBAR-1949)
September 1949-kii
aya waxa furmay kalfadhigii golaha guud ee Qaramada Midoobay. Kal fadhigaas
ayaa waxa laga sugaayay in ay go’aan ka gaarto ayatiinka dalalkii uu Talyaanigu
guumaysan jiray oo ay Soomaaliya ka mid ahayd.
SYL, waxa ay UN (United Nation) udirsatay xoghayihi
xisbiga Cabdillaahi Ciise Maxamud, si uu umatalo xisbiga iyo dhamaan ummadda
soomaliyeed kana mid ahaado madasha lagu go’aaminayo mustaqbalka soomaaliya.
October 5, 1949-kii
ayaa SYL mudaharaad ka dhan ah Talyaaniga ku sameysay magaaladda Muqdisho,
Mudaharaadkaas waxa isku dayay in uu hor istaago maamulkii Ingiriiska, SYL iyo
taageeradeedi waxa ay sameeyen iska cabin iyo dhagaxtuurid, Ingiriiskuna waxa
uu adeegsanaayay rasaas, muddo markii uu socday dagaalkii waa uu soo afjarmay, waxaana
halkaa ku dhintay 2-qof, 50-qofna wa ay ku dhaawacmeen oo Soomaali ah, Ingiriiskana
waxaa ka dhaawacmay 3-askari, sidaas ayay dhacdadatanina kula baxday magic “Dhagax Tuur”.
MAAMULKII DAAKHILIGA (1950-1960)
November 21, 1949-kii
ayay Golaha guud ee Qaramadda Midoobay soo saareen go’aankiisii ahaa in
Soomaaliya loo dhiibo maamulka Talyaani ah oo 10-sanno Soomaalida ku gaarsiiya
xornimo, Qaramadda Midowdayna ay ku dul maamusho.
April 1950-kii,
ayaa maamulka Talyaanigu la wareegay xilka Soomaaliya, waxaana Talyaaniga
waheliya guddi sadex ah (Philibin, Masar iyo Colombia) oo ay Qaramadda Midoobay
u xilsaartay in ay ku kormeeran qaabka uu Talyaanigu wax u maamulayo.
Kadib Talyaanigu
markii uu soo laabtay waxa galay damac ah in uu muddada dheraysto, waxa uuna
isku dayay in uu Soomaalida kala qaybiyo, qabyaaladdana uu xoojiyo, xisbiyo uu
ku adeegtana uu yagleelo, leegadana uu isku dayo in uu laaluusho.
Qorshahaas waxaa
si aan gabasho lahayn u hor istaagay xisbigii SYL, oo beeniyay qorshihii uu
Talyaanigu watay, kana dhaadhiciyay gudiyadii 3-dowladood ka kala socday in uu
Talyaanigu rabo muddo korarsi.
Talyaanigu waxa uu
arintaa uga jawaabay in uu xirxiro madax kamid ah xisbiga SYL ee Kismaayo,
arintaasna xisbiga Leegada iyo taageerayaashiisu waxa ay ka keeneen Mudaharaad
rabsho isu badalay waxayna malmaahas ku dileen askari ka mid ahaa Talyaaniga.
Xisbiga Leegadu
waa uu sii watay halgankiisi xornimo raadiska ilaa uu ku guulaystay
dooroshooyinkii dowladaha hoose ee la qabtay sannadii 1954-tii, markaas ayaa
talyaanigu badalay siyaasadiisii, soona dhawaystay xisbigii SYL.
Waxaa farxad wayn
ahayd 12, Oktoobar, 1954-tii markii la taagay calan Soomaaliyeed, oo matalaya
dhamaan deegaanada dadyowga Soomaliyeed waxaana farshaxanka iyo hindisahaba
lahaa Eebbe ha uraxmadee Maxamed Cawaale Liibaan oo ka mid ahaa madaxda xisbiga
leegada.
Sannadii 1956-dii,
waxaa mar kale la qabtay Doorasho siyaasadeed tii ugu horeysay ee dalka ka dhacda
waxaana si Aqlabiyad leh kuraasta ugu Guulaystay xisbigii SYL, oo dhamayd
70-kursi waxaana la dhisay maamul daakhili ah, oo uu Reysalwasaare ka dhoqday
Cabdullahi Ciise Maxamuud, Xoghayihii Guud ee Xisbiga Leegada.
Bishii
Maarso,1959, waxaa markale la qabtay Doorashadii 2-aad ee siyaasadeed, iyada oo
tiradda kuraasta laga dhigay 90-kursi oo dhamaan Soomaaliyihiin, halka kii hore
ajnabigu ku lahaa 10-kursi, waxaana markale ku guulaystay Xisbiga SYL, Kuraasta
inteedii badnayd, waxaana markale R/wasaare loo magacaabay Cabdullaahi Ciise
Maxamuud, oo hayay ilaa dalku uu xornimadiisa hantay 1960-kii.
Geedigii halganka
xisbiga Leegadu waxa uu ku soo gabagaboobay guushii xornimadda ee 1, Luuliyo, 1960-kii,
midowgii Labada Gobal ee Waqooyi & Koonfur, waxaana dadaalkaas lahaa Labada
Xisbi ee ka kala halgamaayay koonfurta iyo waqooyiga “SYL & SNC”, si shacabka Soomaaliyeed ay uga xorooban heeryadda
Guumaysiga iyo maamulkiisa guracnaa, una yeeshaan maamul Soomaaliyeed.
GUUBAABADA GABAYGA
Suuugaantu
jaadkastaba ha lahaatee kama aysan maqnayn halgankii SYL, ee waa ay ku larnayd
oo dhiirigalin bay ka korarsanjireen.
Hadaba gabaygan
hoos ku xusan waxa dhalinyaraddii gobanimadoonka SYL ku dhiirigalinayay Abwaan
Jimcaale Dhagataag, oo ugu baaqaya dhamaan dadyawga Soomaaliyeed in ay taageero
iyo taakulaba ay ku garabgalaan dhalinyaradda si ay inoogu soo dhiciyaan xornimadeena.
Abwaanku erayga ‘Kulub’
ee ku xusan gabayga waxa uu ugulajeeda ‘Club’ oo ah eray Ingiriis-ah
macnaheeduna yahay “Naadi”, waana Xisbigu markii u magaciisu ahaa (Somali Youth Clup).
GABAYGA KULUB HA NOOLAADO
-Afar kaafku yiri
baan la kacay, karisay laabtaydu
-Oo qasadka
kulubtaan ahaa, idinku kaalmeyne
-Kaabbe faarax
shuuriyaa gabay, igu karaameeyay
-Oo kumam ducaa
iigu maray, kulub ha noolaado
-Kariimkii na
uumaan baryee, kulub ha noolaado
-Intaan beer
kurtuma goyn lahaa, kulub ha noolaado
-Intaan koore geel
qori lahaa, kulub ha noolaado
-Intaan ariga
kaaleyn lahaa, kulub ha noolaado
-Kirish-booy
intaan noqon lahaa, kulub ha noolaado
-Intaan kaba
la’aan socon lahaa, kulub ha noolaado
-Intaan karis
la’aan duban lahaa, kulub ha noolaado
-Intaan carab u
kaalmeyn lahaa, kulub ha noolaado
-Kii koosya keyfya
xaalagey, nagu kadeedeene
-Kebbedana
saarnaan jirtee, kulub ha noolaado
-Kurayadiini
soomaaliyeey, kori la haayeene
-Kuleyleey ku
kariyaan derbiga, kumanna waa meyde
-Kibistoodi
cadawgaa cunee, kulub ha noolaado
-Kasi meyn kolii
ay furdada, kuba la’aayeene
-Oo ay kutaanta
boodada wateen, inay kibraayeene
-Iminkey kuraas
inya gateen, rogrog ku kaadsheene
-Kufkood nimaan ahayna gabdhuhu, nagala
koodaane
-Ku kurrey intay noqon lahayd, kulub ha
noolaado
-Kufri sii
dhacayaad gacmaha, kor ugu haysaane
-Kaniisadda ninkii
doonayow, waa ku kaligaahe
-Nin waliba
kolkiisa kursiga, looga kacayaaye
-Annagey
kolkeennii tahee, kulub ha noolaadoo!
*****
XUSKA 15 MAY
'Xus oo xasuuso'
Sannad kasta bisha
Maajo (May) 15-keeda waxa dalka Soomaaliya iyo dhamaan daafaha dunida meelkasta
oo ay bulsho Soomaaliyeed ku nooshahay laga xusaa aasaaskii xisbiga gobanimo-doonka
Soomaaliyeed ee SYL, kaasoo ahaa xisbigii ugu horeeyay ee konfurta Soomaaliya laga
yagleelo, kuna midaysnaayeen dhalinyaro dhexda u xirtay halgankii guumaysi
diidka, iyo sidii ay dalka u gaarsiin lahaayeen xornimo.
Waxa maalintaas la
qabtaa munaasabaddo waawayn oo lagu xusayo taariikhdii 13-dhalinyaro ee dhidibadda
u taagay xisbigii SYL iyo halkankii ay soomareen.
GUNAANAD
Guntii iyo gabagabadii
waxaan qoraalkan ku soo af meerayaa:
“Ugu danbayntii
waxaa nasiib daro wayn ah in 13kii-dhalinyaro markii ay u hubqaadanayeen
halkangii dheera ee guumaysi la dirirka ay ahaayeen kuwo da’ahaan yaryar, aqoon
baahsana aan lahay, shayga kaliya ay ku hubaysanaayeen uu ahaa waddaniyad iyo
wadatashi. Manta waxa madax inoo ah rag da’ahaan ka wayn kana waayo aragsan,
kana cilmi iyo aqoon baddan, lakiin ay ka marantahay wadaniyadii u riixi lahayd
waxqabad bulsho iyo hormarin, una diidi lahayd sad-bursi iyo maamulid la’aan
hantida qaranka mood iyo maalba”.
Manta maalin ay
uga baahi badantahay ma jirto in dib loo yagleelo kacdoon dhalinyaro oo
hilowgoodu yahay, dib u-hanasho dawladeed iyo la dagaalan cuduradda Dadka
Soomaaliyeed aafeeyay (Qabyaalada iyo Xarako-Diimeed).
MAGACYADA 13-DHALINYARO EE SYL
Yaasiin
Xaaji Cusmaan Sharmaarke—1917----Hobyo/Mudug
Maxmed
Xirsi Nuur (Siidii )--------------1915----Mareeg/Galgaduud
Xaaji
Mxamed Xuseen --------------------1917----Xamar/Banaadir
Cusmaan
Geedi Raage---------------------1925----Xamar/Banaadir
Dheere
Xaaji Dheere-----------------------1926----Xamar/Banaadir
Daahir
Xaaji Cusmaan(Dhaga-wayne)-1925----Xamar/Bnaadir
Cali
Xasan Maslax(Berdura)--------------1927----Xamar/Bnaadir
Maxamed
Cali Nuur------------------------1917----Xamar/Bnaadir
Maxamed Faarax Hilowle---------------1925----Xamar/Banaadir
Xaaji Maxamed Cabdi-llaahi Xayeesi--1918---Xamar/Banaadir
Huudow Macallin Cabdulle-------------1926--Mareerey/Sh.Hoose
Maxamed Cusmaan
Baarbe------------1910----Baar-dheere/Gedo
QORSHAYAASHII
WAAWAEYNAA EE AY KU TAAMAYEEN
-Xornimo,
iyo midayn ummadda Soomaaliyeed meelkasta ay dagto.
- Qoridda
af Soomaaliga iyo hormarintiisa.
-Waxbarista
dadka.
-Dhisidda xarumo waxbarasho.
- Ladagaalamidda
Qabiilka iyo isirsooca.
- Barashadda
Diinta iyo ku dhaqankeeda.
RAADRAAC
Ø Taariikhda
Soomaliya Qarnigii Tagay (1900-2000), Soojeediye Dr. Saadiq Enow.
Ø Buugga Halgankii
SYL & SNL, Qore Dr. C/qaadir Cali Boolaay.
Ø Buugga
qalin-jabinta ee Shahaadada B.A ee Halyeygii SYL Cismaan Geedi Raage, Qore Layla
Geedi Raage.
FG- Akhristow, wixii khaladad ah ee aad kala kulanto
intii aad ku guda jirtay akhrinta maqaalkan kooban ee “Taariikhda Halgankii
SYL”, igala soo xiriir Emailka hoos ku usan.
Qalinkii: Axmed Maxamed Ciise (Senda)
Email: Ahmedsenda4@gmail.com
Baro sooyaalkaa, barna caruurtaada, ummadkasta waxa ay jiritaankeeda iyo kobaceeda saadaalin kartaa inta ay taqaan taariikhdeeda.
ReplyDelete