Posts

SOOYAALKA HALGANKII SYL -QORE AXMED SENDA-

Image
SYL 1943 “Xornimo iyo Midnimo” Sawiro taariikhi ah ee dhalinyaraddii SYL HORDHAC Bilogii gu’gii 1943-dii, waxa bilaabantay sheeko sooyaalka Soomalida ku xardhan, ku hubaysan wadaniyad iyo siyaasad la jaan-qaaddi kartay wacyiga taagnaa baryahaas. Waxaa koonfurta dhulka ay Soomalidu deegaan ahaan dagto kasoo baxay neecaw udgoon kuna baahday gayiga soomaliyeed, neecaw xambaarsan hal-adayg, dhiiranaan iyo tallao saaridd Eebbe (kor ahaaye). Waa sheeko bilaabantay xili dhulwaynaha soomaliyeed ku heegantahay heeryo guumaysi, waa taxane sheeko socotay 17-Sanno, 204-Bilood, 6120-Maalmood. Waxaa dhextaal u ahaa astaamo baddan oo ay wadaniyaddu kow ka ahayd, dhiiranaanta iyo geesinimaduna ay ku lifaaqnayd, wada-tashiga iyo isu calool furnaantu ay u ahayd mabaadi’dooda waawayn. Dhamaadka Sheekada waxa ay ku dhamaatay guul iyo yoolkii ay dhigteen bilowgii geediga oo guul-wayn laga gaaray, isu keened Soomaali uu gumaysigu kala ooday iyo hilow loo...